Call us: +252-05-822095

Golis Magazine

Our facebook page

Shuruucda Adeegga SAHAL

SHURUUCDA MACMIILKA EE ADEEGGA SAHAL

Shuruucdani waxay qayb ka yihiin xeer hoosaadka aasaasiga ah ee adeegga SAHAL. Waxaana diyaarisay Shirkadda Golis, wuxuuna meesha ka saarayaa dhamaan shuruucdii ka horaysay ,  shirkadda Golis ayaana ku samayn karta wax ka bedel; markasta oo ay shirkaddu wax ka bedeshana waxa ay ku samaynaysaa faafin. Macmiilka Golis ee isticmaalaya adeeggan isla markaasna akhriyey ama ogaaday jiritaanka shuruucdan waxay ka dhigan tahay inuu aqbalay.

  1. Sharaxa ereyada
  1. Golis: Golis Telecom Somalia
  2. SAHAL: waa adeeg maaliyadeed oo ay Golis bixiso
  1. SIM: waxa loo soo gaabiyey “subscriber identity module”, waana kaarka macmiilka ee ku suntan jiifarada u gaarka ah ee Golis
  2. Akoon (A/C): waxa loo soo gaabiyey “account”, oo looga jeedo markan “akoonka SAHAL”, wuxuuna u taagan yahay labadaba mid shakhsi iyo mid ganacsi.
  3. PIN: waxa loo soo gaabiyey “personal identification number”, afarta xaraf ama jiifar ee sirta u ah macmiilka si uu ugu furto akoonkiisa SAHAL.
  1. Lacag la bixid (Withdraw): waa ku bedelashada electronic-ga akoonkaa kuuga jira lacag waraaqo ah.
  2. Akoon aasaasi ah: waa akoon shakhsi ah oo xadigiisa lacageed yahay laba kun oo dollar ($2000)
  3. Akoon darajada 2aad (silver account): waa akoon shakhsi ah oo xadigiisa lacageed yahay toban kun oo dollar ($10,000); wuxuuna leeyahay shuruudo u gaar ah.

 

  1. Qodobo Guud
  1. SAHAL waa mid ka mid ah adeegyada ay Golis bixiso. Macmiilki doorta inuu isticmaalo wuxuu helayaa adeegyada kala ah lacag dirid, lacag helid, lacag dhigasho, lacag la bixid, ku shubasho lacag hadal, xawaalad iyo keyd bangi. Taas bedelkeeda, macmiilka waxaa ku waajibaya khidmadaha adeegga la socda (sida lacag diridda iyo xawaaladda) Kuwaas oo faahfaahintooda la heli karo. F.G waxaa jira adeegyo badan oo aan khidmad lahayn.
  2. Adeegga SAHAL waxaa isticmaali kara macmiil kasta oo buuxiya shuruudaha diiwaangelinta.
  3. Macmiilka waxaa waajib ku ah inuu bixiyo xogtiisa saxda ah marka la diiwaangelinayo,una isticmaalo adeegga si waafaqsan sharciga u gaarka ah adeegga iyo midka dalka.
  4. Lacagta uu macmiilku dhigto (Deposit) shirkadda Golis waxay ku tahay dayn, macmiilkana waxay u tahay keyd. Sidaa darteed, macmiilku wuxuu qaadan karaa markasta oo uu u baahdo Lacagtiisa iyadoo aysan jirin khasaare iyo faa’iido midna.
  5. Xadiga lacageed (Limit) ee akoonka aasaasiga ah waa $2000 (laba kun oo dollar). Waxaana jiri kara akoono loo aqoonsan karo darajada 2aad iyo 3aad oo qaadi kara xaddi lacageed oo kabadan laba kun oo dollar, waxayna yeelanayaan shuruudo u gaar ah.

 

  1. Ammaanka iyo ilaalinta Akoonka (A/C) SAHAL
    • Golis waxay mas’uul ka tahay dhowrista iyo cillad-bixinta wixii shaqada akoonada (a/c) kaga yimaada dhinaca farsamada shabakadeeda iyo xaqiijinta inuu macmiilku heli karo bedelka lacagta waraaqaha ah ee u dhiganta Electronic-giisa.
    • Xogta macmiilka SAHAL (macluumaadka diiwaangelinta iyo dhaqdhaqaaqa lacageed) waxay sir u tahay macmiilka iska leh oo keliya. Si sharci darro ahna cid kalena looguma daahfuri karo.
    • Macmiil walba isaga ayaa masuul ka ah xifdinta & ilaalinta SIM, Kalmadda Sirta ah (PIN), & Kaaftoonkiisa
    • Doorashada isticmaalka adeegga waxaa iska leh macmiilka, khaladaadka ama ilduufka xagiisa ka yimaada wixi kaaga luma Golis mas’uul kama aha. Mana jirto magdhow lacageed ama wax u dhigma oo ay shirkadda Golis bixinayso oo arrintaas la xiriirta.
    • Haddii dhac hubaysan la gaaga qaado Mobile-kaaga iyo sirta wixi aad ku waydo waxay la mid yihiin hantida kale ee la kala dhaco. Golis mas’uul kama aha dacwadda, cabashada iyo dabagalka arrintaas la xiriirta.
    • Macmiil walba isaga ayaa masuul ka ah dhaqdhaqaaqyada la sameeyo ayadoo la adeegsanayo Mobile-kiisa (akoonkiisa SAHAL). Isaga ayaana loo aanaynayaa wixi khalad ah ee lagu galo telefoonkiisa SAHALka ah.
    • Macmiil kasta oo lacag ku bedasha electronic waa inuu hubiyaa inuu helay fariintii ama fiiriyaa haraaga akoonkiisa (A/C), si uu u hubiyo lacagtii ugu soo dhacday inta uu la joogo laamaha shirkadda ama goobaha ganacsi.

 

 

  1. Daryeelka Macmiilka

Dhamaan Arrimahaas wuxuu macmiilku kaga maarmi karaa daabacaadda waraaqaha.

 

  1. Xiridda A/C-koonka
  1. Haddii akoonka (A/C) macmiilku uusan shaqayn muddo sannad ah.
  2. Haddii macmiilku soo gudbiyo cabasho been ah taasoo sababi karta in macmiil kale lagu gabood falo, ayna isla xaqiijiyaan xafiisyada maamulka ee ay khusayso.
  3. Haddii macmiilku si ku talagal ah u isticmaalo lacag ku soo khaldantay.

Archives