Shirkadda Golis oo kaqayb gahshay shirweynihii kaluumaysiga Soomaaliya

Shirkadda Golis oo kaqayb gahshay shirweynihii kaluumaysiga Soomaaliya

Shirkadda Isgaarsiinta Golis telecom Somalia oo ka duulaysa muhiimadda kaluumaysiga iyo keyraadka badeheennu u leeyihiin bulshada ayaa ka qayb qaadatay dhaqaalena ku bixisay qabsoomidda shirweynihii kaluumaysiga Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Shirweynahan oo uu ka qayb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa wafdi kasocday dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiirka Kaluumaysiga iyo kheyraadka badda dawladda Soomaaliya waxana sidoo kale goob joog ahaa ha’yadaha taageera kor u qaadida kheyraadka bada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya kaluumaysiga.

Maamulka sare ee shirkadda Golis oo uu hogaaminayo Maareeyaha guud Siciid Aadan Axmed ayaa ka qayb galay shirweynahan waxana kalmad uu mareeye Siciid ka jeediyay madasha uu ku faahfaahiyay hawlaha ay guud ahaan u qabato bulshada Golis Group oo ka kooban isgaarsiin, Bangi, Koronto, Xawaalad iyo dhismaha xaafadaha iyo magaalooyinka.

Maareeyaha Golis Siciid Aadan Axmed ayaa xusay in Bangiga Salaam uu diyaar ula yahay ganacsatada kaluumaysiga inuu maalgaliyo si ay ula soo baxaan kheyraadka badeheenna dhex ceegaaga uuna si gaar ah u dhiirigalinayo ganacsatadaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirweynahan oo muhiim u yahay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed maadaama looga hadlayo sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka uu Alle inagu manaystay ee dhex yaal badeheenna  waxa uuna u mahadceliyay cid walba oo gacan ka gaysatay qabsoomidiisa oo ay kamid ahayd shirkadda Golis.

Shirkadda Golis ayaa sidoo kale madasha kusoo bandhigtay qaar kamid ah adeegyada u qabato bulshada islamarkaana ay si gaar ah uga faa’iidaysan karaan kaluumaysatadu.

3 thoughts on “Shirkadda Golis oo kaqayb gahshay shirweynihii kaluumaysiga Soomaaliya

  1. admin - April 19, 2019 at 9:49 am

    Sydney College in Virginia, looked up one of the more obscure Latin words, consectetur, from a Lorem Ipsum passage.

    Reply
    • admin - April 19, 2019 at 9:49 am

      Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur rius a auctor enim accumsan.

      Reply
      • admin - April 19, 2019 at 9:50 am

        Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur rius a auctor enim accumsan.

        Reply

Leave a Reply