VAS SHAQSI

VALUE ADDED SERVICES

Wicitaan

Adeegga MCN ka wuxuu macmiilka u qabanayaa wicitaannada soo waca intii uu dansanaa ama uu ka maqan yahay goobta Adeegga ka kaddibna wuxuu u soo dirayaa farriin eey ku jirto numbarradii soo wacay iyo waqtigii ay soo waceen. Qaabka loo istimaalo adeegga Kumee
  • Si aad u adeegsatid adeegga Kumee garaac 127 > 1 > 1.
  • Si aad u joojisid adeegga Kumee garaac 127 > 2.
Si wax looga beddelo Adeegga Kumee. Adeegga Kumee waxaa wax looga beddeli karaa laba siyaabood midkood : –
  • Shirkadda inaad la xidhiidhtid.
  • Macmiilkuna wax wuu ka beddeli karaa asagoo adeegsanaya Cod ama garaacaya 127.
Adeega Ila-wadaag, wuxuu macaamiisha Golis u sahlayaa in ay ku wacaan asxaabta, Eehelka, iyo cid kasta oo ay dani ka dhaxeyso iyadoo aanay wax lacag ah ugu jirin, lacagtana lagu dalaco qofka la wacayo. Qaabka loo isticmaalo
  • Ka horaysii furaha 165 lambarka mobile-ka aad waceysid. sida 165779xxxx 
  • Macmiilka telephone-ka loo diray markuu qabto waxa uu adeega ILA-WADAAG waydiisanayaa in uu ogolaado in koolkan lacagtiisa isaga laga jaro , haduu taabto lamber-ka hal (1) koolkaasi waa la xidhiidhinayaa, haduu taabto lamber-ka labo (2) waa laga joojinaya Call-ka.
Whitelist and blacklist Adeegu wuxuu kaloo ku saamaxayaa inaad laba liisto samayso, liiska Cad(White list) iyo liiska Madow (blacklist) lambarka aad ku darto liiska cad toos ayuu u xidhiidhinaya iyadoo aanu adeegu ku waydiinayn wax ogolaasho ah.
halka macmiilka dadka aanu doonayn in uu koolka ka bixiyo ama dadka mar walba dhibana uu gelin karo liiska madow (blacklist). Taasna qofka ku soo garaaca uu ugu jawaabi doono , “koolkan hadeerto lama xidhiidhin karo.” Sida loo sameeyo whitelist & blacklist
  • Garaac *165#
  • Taabo nambar 1
  • Qor nambarka telephoonka
Qofkii aad liiska cad ku darto ama kan madow ma ogaan karo inaad ku dartay. Shuruuudaha
  • Adeegan waxaa adeegsan kara macaamiisha postpaid-ka iyo prepaid-kaba.
  • Adeegan waxaa adeegsan kara macaamiisha Land line-ka wacaya Mobile Golis ah
  • Postpaid-ka Biilka ayaa lagu dalacayaa bishii, prepaid-kana wuxu ka goosanaya lacagta ugu jirta.
  • Adeegan waa lagu wici karaa Mobile-da Golis ee jooga Waqooyi iyo Koonfur. (Roaming)
  • Adeegan masoo wici karaan Mobile-da Golis ee jooga Waqooyi iyo Koonfur ee Roaming ah.
  • Halkii macmiil waxaa loo ogol yahay in uu maalintii sameeyo ilaa 30 Wicitaan oo ILAWADAAG ah, wixii intaa ka badan looma ogola
Adeeggani Wuxuu Badaley Ringtoon-ki Ama Dhawaaqi Dhicitaanku Lahaa, Wuxuuna K Badaley Cod Macaan Ama Micna Xambaarsan.
Adeeggani Waxuu Ka Kooban Yahay Si Guud Cod Dhagahu Jeclaystaan Sida : Ducooyinka , Qasaaida Nabi Amaanka Ah , Gabay ,Geeraar ,Shirib ,Buraanbur ,Anashiid Iyo Tiraab Ku Mugweyn Afkeena Hooyo
Adeegaan is diiwangalintiisa waa FREE, khidmadiisa waa Bille, Qiimuhuna Waa $ 0.5. Sida la isu diiwan galiyo
  • Garaac 155
  • Taabo nambar 1 saa isu diiwangaliso
  • Taabo nambar 2 saa uga baxdi adeegaan.
Waa adeeg kuu fududaynaya inaad dadka kusoo wacaya ku wargeliso hadba xaaladda aad ku sugan tahay. Tusaale haddii aad shir kujirto waxaad awoodaysaa inaad qof kasta oo kusoo waca ku wargeliso inaad mashquul tahay.
Fariimaha aad u qorayso dadka kusoo wacaya waxaad ka dhigi kartaa kuwa guud oo u dhacaya qof kasta oo kusoo waca, kuwa gaar gaar ah oo aad u diyaarinaysid inay u dhacaan kooxo dad ah marka ay kusoo wacaan sida familkaaga ama asxaabtaada shaqada iyo hal farriin oo aad ugu talagashay hal qof oo khaas ah marka uu kusoo woco. Sida la isu diiwaangeliyo
  • Garaac *195#.
  • Dooro 2 (Somali).
  • Dooro 1 (isdiiwaangeli).
  • Kadib dooro qaab farriimeedka ah uu baaahantahay adigoo ugu dambayn qoraya farriinta aad doonaysid inay u dhacdo qofka kusoo wacaya.
Reveal the caller identity whenever you are called by an unknown number. Waa kuma will show you the full names of the caller before you decide to pick. How to register
  • Dial *194#
  • Select 1 for English
  • Select register
Waa Adeeg kuu sahlayaa in numbarada kuugu jira simcard-ka Golis aad ku kaydsan kartid, soona ceshan kartid haddii uu card-ku kaa lumo, kaa cilladoobo ama lagaa xado. Si aad u isticmaashid isagana diiwaan galisid adeegga Kayd :
  • Soo fur Icon-ka dhexyaalla moobeelkaaga shaashadiisa ee ay ku qorantahay Golis Service.
  • DOORO KAYD.
  • DOORO Isdiiwangeli.
HMarka aad rabtid inaad keydsatid numberada kuugu jira Card-kaaga raac tallaabooyinkan
  • Dooro Kayd
  • Taabo Keydi
Marka aad Cardkaaga dib u furatid oo aad doonaysid inaad soo ceshatid numberadii kuu keydsanaa raac tallaabooyinkan :
  • Soo fur Golis Service
  • Dooro Kayd
  • Taabo Keydi
  • Ugu dambayn-na taabo Sooceli

SMS

Xogmaal waa adeeg lagu kobcinayo garaadka, masxkada iyo aragtida dadwaynaha kuuna fududeenaya inaad kala socotid mobilkaaga gacanta internet la’aan wararkii ugu dambeeyay ee dalka, geeska Afrika, caalamka, ciyaaraha iyo barnaamijo waxtar leh sida caafimaadka, tiknoolajiyadda, arrimaha Islaamka, aqoonta guud, arrimaha haweenka, sarrifka iyo ascaarta.
Sidoo kale wuxuu leeyahay adeeggan dodo loogu talagalay macaamiishu inay aragtiyadooda iskuwaydaarsadaan iyo barnaamijyo ugaar ah ardayda sidabarnaamijka IWAYDII. Habka isdiiwaangelinta
  • Fur fariin qoraaleed cusub (text massage)
  • Ku qor REG
  • Una dir 333
Marka aad kamid noqotid macaamiisha ka diiwaan gashan adeegga XOGMAAL Subax walba waxaa kuusoo dhacaya ciwaanada Wararka ka cusub dalka iyo guud ahaan Caalamka iyo sidoo kale barnaamijka maalintaas islamarkaana hadii aad u baahatid iyaga oo faahfaahsan waxaad qoraysaa erayga gaaban ee hadba ciwaanka aad rabtid inaad akhrisatid. Tusaale : hadii aad u baahantahay warka dalka oo faahfaahsan waxaad farriin ku qoraysaa (Dalka) kadibna waxaad u diraysaa 333, hadii rabtid inaad akhrisatid Barnaamijka haweenka waxaad qoraysaa (Hooyo) adigoo u diraya 333, ugu dambayn waxaa kusoo dhacaya warkii ama barnaamijkii aad dalbatay oo faahfaahsan.
Hadii aad ka diiwaan gashantahay adeegga XOGMAAL waxaad haysataa faa’iido dheeri ah oo ah in hadii aad qabtid cabasho la xiriirta adeegyada shirkadda ama baahi u qabtid in wax uun laguu xalliyo waxaad kusoo gudbin kartaa qaybta cabashada ee adeeggan adigoo raacaya tallaabooyinkan :
  • Soo fur halka aad ku qortid marka aad farriin qoraaleed diraysid
  • Ku qor Info adigoo raacinaya cabashadaada Tusaale (Waxaa iga khaldantay lacag)
  • Kadib u dir 333
Adeegga Hoodo waa Adeeg u fududaynaya Bahda Waxbarashada in ay helaan Service u diyaarsan sidii ay ku garsiin lahaayeen Imtixaanaadka sanadlaha ah dhammaan ardayda. Shuruudaha Waxyaalaha looga baahan yahay institutions waxbarashada ee isticmaalaya Adeegga Hoodo.
  • Waa in jaamacadda ama school-ku soo gudbiyaa Roll Number-ka iyo Magaca ardayga oo dhamaystiran.
  • Waxaa laga rabaa Jaamacaddaha ama Schools- in ay soo gudbiyaan imtixaanka Ardayga oo dhamaystiran ilaa Average level-kiisa.
  • Waxaa lagarabaa Institutions isticmaalaya Adeegga Hoodo in ay magacaabaan Masuulkii lagala xidhiidhayey Exam package-ka
Waxaa looga baahan yahay Golis
  • Shirkadda Golis waxaa laga rabaa in ay diyaariso server –kii la soo dhexdhigi lahaa imtixaanaadka
  • Golis waxaa laga rabaa in ay double check ku samayso imtixanka lasoo gaarsiiyey iyadoo ka eegaysa iswafaqsanaanta, institution name, Roll number, etc
  • Waxaa laga rabaa Golis in ay u magacawdo Masuuliyadda Exam Result Xafiiskii Qaban lahaa.
Follow Us on Social Media